"Waxay igu yiraahdeen kala dooro xijaabkaaga ama feerka."

Nassar waxay ciyaari doontaa kulankeedii ugu horeeyay ee ay ku wajihi doonto Kanokwan Wirunpat ee Thailand ee magaalada Lahore

Xigashada Sawirka, Alex Huber

Iyada oo ay agteeda yaallan waraaqo badan, Zeina Nassar waxay la fadhiisatay waalidkeed qol ay ka degganaayeen magaalada Berlin.

Waxay fadhigaasi wax iska waydiinayeen oo ku soo bandhigayeen sababta ay ugu fasaxayaan inay bilowdo barashada Feerka.

Gabadha oo 13-jir ahayd xilligaasi — oo ay dhiirrigeliyeen muuqaal tababar oo YouTube-ka ay ka daawatay oo muujinaya haween dagaallamaya ama Feertamaya — waxay markiiba dareentay xiriirka ay la leedahay isboortiga. Waxaa ay si dhaw ula socotay Garaaca boorarka, dhawaqa feerka, iyo dhaqdhaqaq kasta oo la xiriira tartamadan.

"Waan daawan jiray oo marar badan ayaa ku ceshan jiray," ayay tiri Nassar, oo hadda 27 jir ah, iyadoo la hadlaysay BBC Sport. "Waxaan ogaa in tani tahay waxa aan rabbo inaan sameeyo."

Markaas Nassar waxay soo bandhigtay dooddeeda sidii qareen yar, iyada oo ka codsanaysa waalidkeed in ay u oggolaadaan mustaqbalka ay higsanayso.

"Waxaan u sheegay inay iga caawin doonto inaan diiradda saaro dugsiga, in aan tagi doono oo keliya xarun jimicsi oo gabdho keliya loogu talagalay oo u dhow, iyo in feerku uu ku saabsan yahay ixtiraam iyo anshax," ayay sheegtay.

Waalidkeed way la dhaceen hadlkeeda, laakiin ku qancintooda waxay ahayd qaybta ugu fudud.

Waxay ku dhalatay Jarmalka isla markaana asal ahaan waxay ka soo jeeda Lubnaan, Nassar — oo ahayd gabar Muslim ah oo ku faanta xirashada xijaabka — waxay si dhakhso ah u ogaatay in caqabaddeeda ugu weyn ay ka baxsan tahay qoyskeeda.

Waxay ku biirtay xarunta feerka ee magaaladii ay daganayd, balse xilligaas shuruucda gudaha iyo kuwa caalamiga ah midna ma oggolayn in xijaabka lagu tartamo. Waxay noqotay inay u dagaallanto xaqeeda ah inay ka qayb gasho tartanka.

"Dad ayaa ii sheegay inaan kala doorto xijaabkayga ama isboortigayga," ayay tiri. "Waxaan is waydiiyay, maxaan u kala dooranayaa go'aanada? Qofna dhib kuma hayo. Anigu waxaan rabaa oo keliya inaan feertamo."

Dareenkaas ku wajahan caddaalad-darrada waxaa uu noqday mid qeexa shaqadeeda.

Arbacada, Nassar waxay xiran doontaa xijaabkeeda iyo dharka jirka oo dhan wada asturaya markay sameynayso tartankeeda feer ee ugu horreeya ee heer xirfadeed oo ka dhacaya Pakistan. Geeskeeda waxaa joogi doona halyeyga Roy Jones Jr, oo ah tababaraheeda iyo la-taliyahaheeda.

Waxaa la aaminsan yahay inay iyadu tahay gabadhii ugu horreysay, maadaama aanay jirin tusaalooyin caan ah oo haweeney xirfad leh oo xijaab ku feertama, taasoo ka dhigaysa tartanka ugu horreeya ee Nassar mid aad taariikhi u ah.

Sida Nassar oo xijaab xiran u beddeshay xeerarka

Nassar (bidix) waxay ku guuleystay 18 feer waxaana laga badiyay 22

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markay 14 jir ahayd, Nassar waxay gacan ka geysatay in la beddelo shuruucda feerka madadaalada ee Jarmalka si ay ugu tartanto iyada oo xijaaban.

Laakiin markay ka talaabsatay xarkaha tartankeeda feerka madadaalada ee ugu horreeya, waxay dareentay indhaha oo dhan ay iyada soo eegayaan.

"Waxaan arkay dad badan oo ii fiirinaya," ayay tiri. "Qaar xitaa waxay ii sheegeen inaan sidan ku feertami karin, aniguna waxaan iri 'fadlan, waxaan dhawaan beddelnay xeerarka'."

"ma fahmi karo sabbata — laakiin waxa la eegayo waa in ay ku saabsanaadaan waxqabadkayga iyo sida fiican ee aan xirfadeyda feerka ugu soo bandhigo fagaaraha . Laakiin dad badan ayaa ka soo horjeestay."

Nassar waxay ku fiicnayd fagaaraha feerka waxayna beddeshay aragtida dadka, iyadoo noqotay horyaal Berlin dhowr jeer ku guuleystay iyo horyaalka qaranka, dhammaan iyadoo daacad u ah waxa ay aaminsan tahay iyo caqiidadeeda.

Laakiin markii Ururka Caalamiga ah ee Feerka (IBA) ay u casuumeen Tartanka Horyaalada Yurub, waxay la kulantay caqabad kale. Xijaabka wali waa mid mamnuuc ka ah heer caalami.

Sidaas darteed markay 19 jir ahayd, waxay bilawday olole lagu beddelayo xeerarka heer caalami.

"Jarmalku iima taageerin," ayay tiri. "Laakiin waxaan lahaa hiigsi. Waxaan rabay cadaalad la mid ah tan ciyaartoy kasta oo kale."

Sanadkii 2019, IBA waxay joojisay mamnuucidda xijaabka. Feerka Olimbikada waxaa hadda maamula World Boxing, oo sidoo kale oggolaanaya xijaabka iyo dharka jirka oo dhan qarinaya.

"Aniga dartay, haweeney kasta oo ku jirta tartanada feerka hadda waxay ku feertami kartaa xijaab oo waxay noqon kartaa qofka ay rabto," ayay tiri Nassar. "Taasi waa guusha aan ku faano."

Xijaabka iyo feerka ka hor inta aan xeerarka la badalin

Olole Nassar wuxuu dib u habeyn ku sameeyay dunida feerka, sanadkii 2017-na waxay soo jiidatay indhaha Nike, halkaas oo ay ka noqotay wajiga cusub ee xijaabka loogu talagalay ciyaartoyda.

Laakiin markana la eego heerka xirfadeed? Waa maxay xeerarka? Ma khatar bay noqon kartaa xijaabku? Ma siin kartaa qofka wax faa'iido ah?

BBC Sport waxay la xiriirtay dhowr hay'ado maamula oo ansixiya tartamada. WBO (Ururka Caalamiga ah ee Feerka) waxay go'aanada dharka u dhaafaan gudiyada maxalliga ah. IBF (Ururka Caalamiga ah ee Feerka) ma laha xeerar gaar ah oo ku saabsan xirashada iyo waxyaabaha madaxa lagu daboolo.

Guddiga xakameynta feerka ee Ingiriiska, oo maamula feerka xirfadleyda ee UK, ayaa oggolaatay xijaab-ciyaaraha lagu naqshadeeyay.

Madaxweynaha Ururka Feerka Jarmalka, Oliver Wittmann, wuxuu qirayaa in tusaale hore uu yar yahay, laakiin wuxuu ka muujinayaa walaac ku saabsan badqabka iyo halista ah in xijaabku ka siibto qofka inta lagu jiro feerka.

Nassar waxay ka jawaabtaa hadalka Wittmann iyadoo adeegsanaysa khibradeeda. "Ku dhawaad 100 tartan oo dhanka feerka ah, marna dhibaato kalama kulmin Xijaabka," ayay tiri.

Dhakhaatiirta khibradda leh ayaa sidoo kale ku raacsan. "Arrin dhibaato ma aha," ayuu yiri professor Mike Loosemore, oo ka soo shaqeeyay caafimaadka.

Tartanka Pakistan

Pakistan inta badan ma aha dal caan ku ah tartanada feerka caalamiga ah, laakiin in ka badan 20,000 oo taageere ayaa Lahore la filayaa in ka badan afar maalmood oo tartan feer ah.

Nassar waxay ku sifeysay inay tahay "sharaf" in ay tartan feer uga qeyb gasho dal Islaam ah .

"Feerka qof walba ayaa u ah," ayuu ku daray Chris Glover, Liverpudlian oo ah ninka ka dambeeya dhacdada. "Haddii Zeina ay rabto inay xirato xijaab, waxay xiran kartaa koofiyadda cowboy wixii aan doonayo oo dhan."

Geeskeeda waxaa ka fadhiya Jones Jr, horyaalkii caalamiga ahaa ee afar miisaan oo imika ah tababare. Nassar waxay markii ugu horreysay la kulantay xaflad IBA sanado ka hor.

"Waan rumaysan waayay inaan agtiisa fadhiyo," ayay tiri iyada oo qosleysa.

Nassar waxay nafteeda u dejisay yool geesinimo leh oo ay ku noqonayso horyaalka aduunka .

Marka la eego caqabadihii ay hore uga gudubtay si ay meeshaan u gaarto, ma adkaan doonto inay higsigeeda gaarto.