Jump to content

Daqiiq

Ka Wikipedia
Dib u eegistii 00:14, 2 Sebteembar 2022 ee EnsiklopediaXylon (wadahadal | ku darsasho)
(duwanaan) ←Bedelyada ka duqsan | Bedelkii ugu danbeeyay (duwanaan) | Bedelyada ka cusub→ (duwanaan)
Kani waa bog ku saabsan daqiiqda. Boga "bur" halkan ayaa laga soo toosiyay
Bur
Burka daqiiqda
Bahbudo ridqan (midho la jajabiyey)
AsalkaMidho Firiley
Jinsi xubnaha

Bur, daqiiq (Af Ingiriis : flour; Af Carabi : ar‎) waa budo la ridqey (jajabiyey) oo ka samaysan miro inta ugu badan firiley ah taasi oo marka la kariyo (ama la dubo) laga dhigto cunto dadku isticmaalaan.

Burka sidoo kale loo yaqaano "daqiiq" waxaa laga diyaariyaa noocyo badan oo cunto ah, sida canjeerada, rootida, malawaxa, sabaayada, buskudka, cusheerka, keega, baagiyaha, canbaaburka iyo noocyo kale oo cuntada ka mid ah.

Inkastoo burka laga sameeyo dhamaan midhaha firileyda ah, waxaa ugu badan oo ugu caansan qamadiga oo laga isticmaalo meelo badan oo caalamka ah. Wadanka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada waqooyiga, waxaa inta ugu badan daqiiqda sidoo kale loo yaqaano "qoosh" laga diyaariyaa midhaha garowga, galleyda iyo qamadiga oo la iskudhex daray ama labo ka mid ah, kuwaasi oo lagu ridqo makiinado loogu talogalay jajabinta mirahan firileyda ah.

Wadanada qurbaha waxa caan ku ah oo aad loo isticmaalaa burka laga sameeyay qamadiga, taasi oo laga diyaariyo noocyo badan oo rooti, keeg iyo buskud ah.

Guud ahaan, dadweynaha caalamku waxay isticmaalayeen burka tan iyo horaantii ilbaxnimada, waxaana cilmibaadhisyo kala duwan lagu ogaaday in deegaano ka tirsan Hindiya, Bariga Dhexe, iyo Ameerika laga isticmaali jirey farsamada lagu diyaarsado daqiiqda.

Ereyga daqiiq lama yaqaano meesha uu asal ahaan ka soo jeedo, laakiin waxaa aad looga isticmaalaa deegaanda Waqooyiga Soomaaliya, Soomaalida galbeed ee Itoobiya iyo wadanka Jabuuti. Dhinaca kale, koonfurta Soomaaliya waxaa inta ugu badan la isticmaalaa ereyga "bur", oo sidoo kale lagu magacaabo nooc ka mid ah cunto fudud oo laga sameeyo daqiiqda.[1]

Beer laga goynayo qamadiga

Sida lagu ogaaday cilmibaadhis arkiyooloji ah waxaa la sheegay in daqiiqda markii ugu horeeysay la isticmaalayay wakhti imika laga joogo 6,000 sano taasi oo laga diyaariyay qamadi lagu jajabiyey dhagax-wareegsan.[2]


Qoraalo La Xidhiidha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: